Weriyaha weyn ee caalamiga ah, Rageh Omaar, ayaa maanta wakhtigiisa qaaliga ah la qaatay ardayda Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Wuxuu ka warramay sida uu saxaafadda ku soo billaabay, iyo khibradda uu ka helay kaalintiisa wararka caalamiga ah iyo safarrada qaar ka mid ah uu marar badan kaga soo warramay goobaha dunida ugu khatarta badan qaaradaha dunida.
Rageh oo hadda ah Tifatiraha wararka caalamka ee ITV, waxaa uu hore uga soo shaqeeyay, Al Jazeera, BBC TV iyo BBC World Service oo horraantii sagaashameeyadii aan wada joognay.
Isbarbardhig saxaafadda Galbeedka, middda Afrika iyo tan dalalka Kahliijka ayaa ka mid ahaa qodobbada uu soo qaaday.
Talada aan sii xoojinayo ee uu la wadaagay ardayda waxaa ka mid ah kalsoonida warka weriyaha lagu qabo in ay ku xiran tahay in lagu barto in mar kasta uu xaqiiqada uun tebiyo iyo in aanuu warka ku dhex darin dareenkiisa ama fikirkiisa shakhsiga ah.
Waa qodob khuseeya suxufi kasta oo wax isku falaya, haddii uu ka dhega adeygana uu ku fashilmi doono Saxaafadda.
Ardayda waxay ku ammaanayaa su'aalaha macnaha xambaarsan ee ay weydiiyeen suxufiga sare.


0 Comments