Mar aan tagay maqaaxida Xadiya Cad ee degmada Guriceel waxa ku sugnaa maalmo kooban Caasimada maamulka Galmudug oo aan safar shaqo u joogay. Maalmo uun maraa ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa qaar kamid ah asxaabtayda oo hore dhowr jeer ugu yimid safaro kala duwan Gobolka Galgaduud ayaa ii sheegay in Guriceel wax yar noo jirto amnina tahay wadada isku xirta labada magalaalo, Sidaasi darteedna aan halkaas habeen ku soo dhaxno sidoo kalena aan soo arko maqaaxida Xadiya Cad ama Quraca Xadiya oo ah meesha ugu caansan Guriceel sido kalena dadku ku kulmaan.

Waanu baxnay waxaana safarka igu weheliyay 3 wiil oo 2 kamid ah aan shaqo u wada joognay gobolka Galgaduud oo kala ahaa Wariye Hanad Karama iyo Farsamayaan Axmed Carab halka wiilka kale uu ahaa Wariye Cabdilaahi Warsame oo magalaada dagnaa naguna soo dhaweeyay si qiimo badan. Xiliga aan baxayno waxay ahayd 1:20 PM maadama ay ahayd maalin jimce ah markii Salaada Jimce ka soo baxnay meeshii aan degnayn ka soo tabaabu-shaysanay.

Safar labo saacadood iyo 60KM ayaanu galnay oo waliba lahaa inaan tuulooyinka qaar istaagno sida Ceel Dheere oo aan wax ka iibsanay waxaanu gaadhnay Guriceel qiyaastii 3:20 M.

-Waxaa isoo jiitay runtii sida amniga ay u sugayeen ciidanka ku sugan bar kantaroolada oo aanad dhaafi karin adiga oo sheeg in mesha aad u socoto iyo cida kaa mas’uul ah ee magaalada kuu dagan. Waxaana ku gudubnay aqoonsiyo iyo sido kale Cabdilaahi oo layaqaanay sheegayna inaan safarka Madax-weynaha lasoconay. 

            ISMAHAN DAAHIR

Intaa kadib anaga oo la yaaban dad badnida magaalada iyo sida ay u camiran tahay kana duwan magaalada aan ka nimid ee Dhuusamareeb ayaanu gaadhnay maqaaxidii ku taalay Quraca hoostiisa ee hadalkeedu igu batay ee Xadiya Cad oo dad badan fadhiyaan waxaana ka cabay koob dhaka jabiye ah oo waliba macaan halka qaar naga mida ku ceshteen shaaxa oo labo lobo koob kaga tuureen.


KA BILOW MIDIGTA AXMED CARAB,CABDILAAHI WARSAME,HANAD KARAAMA IYO ANIGA

                                         

Intaa ka-dib sawiraan iyo sheeko yar oo aan ku qaadanay waxaan tagnay meel yar oo Salaada Casar lagu tukanayay anaguna halkaas ayaa ku tukanay balse aniga iyo wiilkii safarka nawaday ee Cabdilaahi waxaanu usii kici–tinnay halkaas iyo Matabaan oo runtii markii hore aan qorshaha igu jirin balse kadib noogu dhalatay waxaan ka tagnay labadii wiil ee ila socday oo salaada tukanaya una sheegnay inaan soo laabanayno wax yar kadib balse ilaa cishii aanu maqnay- Mar kale ayaana ka sheekayn doona safarkaas oo ahaa cabsi marka lay eego aniga.

Dib ayaan ugu soo laabtay Guriceel xili fiid ah oo gabalku dhacay waxaana raadinay meel aan ku dagno oo habeenka seexano maadama cidna ii joogin wiilashii ila socday ila mid ahaayeen.

Hotelka lagu magacaabo Beder oo halkaas ku yaala ayaana tagnay waxaana naloo sheegay in damiin loo baahan yahay- Waxaana nasiib wanaag helnay Xog-hayaha Degmada Guriceel oo aan magaciisa hadda sixi karin isaga ayaan qoray damaanadda inta aan joogno.

Isla subax nimadii Sabtida  ayaanu ka soo baxnay waliba anaga oo shaaxii Xadiya Cad soo cabnay maadama safarka koobnaa shaqo badana noo taalay Dhuusamareeb oo marka ahayd saldhiga aan ka waday shaqooyinka aan u imid Galgaduud.

 

Maxaaqida Xadiya waxa ay kaga duwan tahay kuwa kale ee ku yaala Guriceel inay tahay mid qadiimi ah kuna taal faras magaalaha waana geed wayn oo Quraca hoostii oo qaybka qorax u dhaca ka saaran laamiga balse hadda qayb kamida ayaa lasaaray jiingad dadka oo batay ilaa geeska kale gaaraya awgeed,Waxaana iskugu imaada dhammaan qaybaha kale duwan ee bulshada xitaa inta aan fariisanayay waxa kabaha ii baalasheeyay wiil yar oo Itoobiyaana oo runtii aad iga yaabisay in xitaa ajaanibtii ay ku sugan yihiin geedka Quraxa ah ee Xadiya,Waxaan igu maqaala ah hadda gabadha ka shaqaysa ee maamusha in hooyadeed joogi jirtyay barigii hore balse aan hubin inay nooshahay iyo in kale.


Waxa kale oo ay leedahay dad badan oo u rukuman meel kalena aan jeclayn marka ay tagaan Guriceel sida aniga iyo kooxdii ila socotay oo xitaa Hotelka aan ka dagno magaalada aan shaax ka cabin ilaa ay tagaan Xadiya.Inta badan dadka ku kulma waxay ka sheegaystaan siyaasadda dalka iyo arrimo ganacsi oo ugaara, Waana mid runtii marka aad u fiirsato dadka ku sugan qofna qof kale ku mashquulayn.Markaste oo aan tagana waxaan shaax ahayn kama cabin mana ku arag wax kale oo laga helo.


W/Q: Abdiaziz Maygaag