Waxaan walaac ka qabaa deeqaha waxbarashada ee dowladaha noogu deeqaan inaan mar dhow wayno ama ay naga yara gaabsadaan. Sababta waa in dhallinyaro badan oo dhalinta hadda dhawaan Yurub gashay ay ku galeen qaab waxbarasho.

Qaar kamid ah dhalinyarada hadda Yurub gashay oo imbadan oo kamid ah aan aqaanno waxna isla soo baranay ayaa helay deeqo waxbarasho oo kala duwan si ay fursad ugu helaan inay soo diyaarinayaan heerka labaad ee jaamacadda, iyagoo qaarba si u helay deeqda waxbarashada.

Students at a school in Somalia on 7 December 2021 [UNICEF Somalia Office/Anadolu Agency]

Waxa jira deeqo badan oo ay hesho Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya waxaana looga faa'iideeyaa dhalinyarada iyadoo lagu salaynayo heerarka kale duwan ee ay marayaan. Qaar ayaa hela deeq waxbarasho ee heerka labaad ee jaamacadda iyadoo ay qaar kale helaan heerka koowaad ee Jaamacadda. Waa sii kala fursad fiican yihiin dhallinyarada; qaar ayaa hela hooy ay dagaan, Jaamacadda oo laga bixiyo iyo lacag ay qaataan iyo qaar hela kaliya Jaamacadda oo laga biyo iyo hooy ay ku nastaan balse aan gunno helin. Waxa kale oo jira dalal na siiya ama naga bixiya qayb kamida lacagta Jaamacadaha balse inta kale ee dhiman lacagta iyo hooyga ardayda uu dagi lahaa ardayga dhaha  iska bixi maadama qayb kaa bixinay taadoo qudheedu ah mid la mahadiyo haddii sida loogu tala galay looga faa'iideysto.

Jaamacadaha nasiiya fursadaha kale duwan waa dhammaan aduunka wadamo badan oo kamida oo markaa u arka inaan baahi u qabno.


HILARY MATHESON

Waxaase xanuun ah oo wax laga murugooda ah in ardaydaas helay fursadaha in badan oo kamida ay ka safraan wadanka ay ka heleen deeqda waliba ha u badnaate wadama Yurub ku yaala gaar ahaan Talyaaniga oo ah wadanka hadda ugu sahlan ee ardayda ka helaan daaqaha waxbarasho iyo qaar kale oo soo raaca.

Wadama naga yareeyay deeqihii waxbarasho ee lacag la'aanta ahaa sido kalena lahaa jiifka iyo cuntada oo Turkiga ka mid yahay hadda waa dhimay; sidoo kale wadama aan aadka ugu walaac sanahay in ay naga jartaan deeqda waxbarasho waa Serbiya oo isna in badan oo arday ah ay ka dhigteen wadada Yurubta looga sii gudbi lahaa iyagoo baneeya boos lagu qaato lacag, waxbarasho iyo deegaan.

Inta badan waxaan si waydiiya wadamada ay dhalinyarada ugudbayso maxay uga doorbideen waxbarashadii inay xamaali noqdaan waliba sanado badan bilaa sharci ahaadaan, iyagoo awoodo wadanka ay ka heleen waxbarshada inay ka shaqaystaan waxna ka bartaan. Hadda shaqooyinka Yurub ka banaan sida wiil saaxiibkay ah ii sheegay waa xamaali iyo fuundiga guryaha dhisa.

Halkii ay ahayd inay wadanka usoo laabtaan kana shaqaystaan shaqo aan dhib badnayn xamaalina ahay waliba ka lacag badan. Inta badan qurba joogtii ayaaba wadanka u soo shaqo taga oo haayadaha caalamiga iyo dowladda ka shaqeeya.

By Lauren Collins

Xamaali Xamaali ayaa in badan ku soo celiyay ulama jeedo inay xun tahay balse waxa ayaan darro ah inaan isku mid ahaataan qof Yurub galay isagoo waxba baran iyo adiga oo lagugu tabcay oo 12 sano oo dugsi ah soo dhigtay iyo 4 sano oo jaamacad ah waliba marka ay ugu yar tahay 4 sano ku qaatay qurbo bilaa sharci. Goorma ayaad cunaysaa lacagtaa aad sida ugu rafaaday da'diina kaa daba timid?