Aniga iyo Maxamuud 03.02.2024

Maxamuud Yuusuf Culusow waa saaxiibkay marna waalidkay. Waxa aan soo wada dhigannay heerka 1-aad ee jaamacadda anaga oo barannay Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta. Waxa aan halkaan kugula wadaagayaa riyada uu Maxamuud 27 sano sugayay kana dhabeeyay, waayihii uu soo maray iyo dadaalkiisa dhiiri galinta mudan.

Maxamuud waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 09-kii September 1970-kii. Waxa uu dugsigiisii hoose ka billaabay dugsiga Howl-wadaag sannadkii 1976-kii. Waxa uu galay dugsiga sare, waxa uuna ku dhammaystay dugsiga Cismaan Geedi Raage bishii June 1988-kii. Markii uu dugsiga sare dhammeeyey, arday kasta oo dhammaystay dugsiga sare waa inuu ka shaqeeyaa shaqada qaranka waliba labo sanadood.

Maxamuud iyo Saaxibadii,Sagashamaadkii

Arday kastana markii uu dhammeeyo shaqadaas kadib ayaa loo oggolaa jaamacad sida uu ii sheegay saaxibkay Maxamuud oo isaguna isdiiwaangaliyay bishii Juun 1990-kii. Waxa uu u fadhiistay imtixaankii rasmiga ahaa ee aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ahayd Jaamacadda kaliya ee ku taallay dalkeena waqtigaas 04-tii August 1990-kii. Natiijadii imtixaannada ay galeen ardayda cusub waxaa lagu daabacay joornaalka loo yaqaan Xidigta Oktoobar.

Nasiib wanaag saaxiibkay Maxamuud waxa uu ku guulaystey imtixaankii aqbalaadda jaamacadda, waana la shaaciyay, balse qadarta Eebe waxaa billaabmay dagaal sokeeye. Saaxiibkay Maxamuud waxa uu ku jiray dadkii u qaxay Yemen si ay nabad iyo nolol uga helaan.


Wargayska Xidigta oo ka muuqdo inuu guulaystay Maxamuud


Saaxiibkay waxa uu dib ugu soo laabtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed  markii dib loo furay Kullaiyadda Saxaafadda oo hada laga badalay magaca loona bixiyay Kulliyadda cilmiga bulshada sanadkii 2017-kii. Waxa uuna keenay Jaamacadda dhammaan cadaymihii muujinayay inuu fariisan karo. Jaamacadda markii uu ku soo noqday, wax imtixaan ah ma aanu galin maadama uu hore u galay imtixaanka aan markaa u fariisannay aniga iyo ardaydii iska diwaangalisay kulliyadda Saxaafadda. Waxa uu ka mid noqday ardaydii jaamacadda waliba aniga waxa uu ii ahaa saaxiib dhow iyo waalid mar kasta iska warqaba aniga oo ka helay xog badan iyo khibrad dheeraad ah oo ku saabsan saxaafadda oo ay barigaa si u saluugsanaayeen ardayda qaar maadaama wadanka ku cusbayd in 4 sano iyo dheeraad la barto saxaafad.

Maxamuud oo jooga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Saaxiibka sheekadiisa waxa laga baran karaa in qofka waxa uu rabo ka dhabayn karo xitaa sanado haka soo wareegtee, Waa haddii uu qofku rabo ama go’aan qaato.Waana mid kugu dhiiri galinaysa inaadan waliga ku saamayn duruufaha nolosha ku gadaaman.

Aniga iyo Maxamuud 03.02.2024

Waxaan saaxiibkay Maxamuud ku kulanay anaga oo muddo is arag  maqaaxida Akram Sweats 03.02.2024 oo waliba muddo wada sheekaysanay