Sawirka markii aan shahaadada qaadanayay 

Waxaan idinla wadaagayaa inaan si guul leh u dhammaystiray koorsadaydii qorista blog-ka, safar aqooneed aniga oo ku bartay muhiimadda ay leedahay in la abuuro qoraalo soo jiidasho leh, sida loo qoro cinwaano xiiso galiya dareenka akhristaha.

Waxay ahayd markii aan fadhiistay fasalka koorsada qorista blogga aan ku baranayay 15 January 2024 halkaas oo ahayd xarunta dhexe ee Muqdisho ku leedahay hay'adda Somali Public Agenda qaybteeda waxbarashada iyo horumarinta.
Qorista blog-ka oo ah habka abuurista maqaallo ama qoraallo laguna daabaco bogag internet loona yaqaan 'blogs'.
Qorista noocan ah waxaana loo adeegsadaa soo saarista qoraalo xiiso leh oo ah, macluumaad, ama madadaalo.Waxaana inta badan diiradda lagu saara mowduucyo gaar ah sida safarka, cuntada, teknoolojiyada, is-qurxinta, caafimaadka, ganacsiga, iyo kuwo kale.
Koorsadan oo ahayd mid is-dhexgal ah oo si fiican loo qaabeeyey, taas oo i bartay aasaaska qorista blogga, sida loo dejiyo oo loo maareeyo blog, loo qorsheeyo mawduuc iyo sida loo gaarsiiyo dhagaystayaasha bartilmaameedka aad rabto.

Qorista blogga ma aha oo kaliya xirfad aan bartay,waxay noqotay dambiil aan ka buuxiyo fikradahayga, riyooyinkayga, iyo waayo-aragnimadayda. Waxay i siisay cod aan ku hadlo iyo madal aan ku sahamiyo hal-abuurkayga. Waxaan rajaynayaa inaan sii wado inaan wax barto, horumariyo, oo aan la wadaago waxyaabo cusub oo xiiso leh akhristayaashayda.

Aniga oo ku jira xiisad blog ah 25.01.2024


Safarkayga qorista blogga waa tusaale cad oo muujinaya sida barashada cusub iyo horumarinta xirfadaha ay u beddeli karaan aragtida qofka iyo inay u furan karaan albaabo aan la filayn.

Waxaan mahadcelin weyn u jeedinayaa Somali Public Agenda (SPA) halkaas oo aan ka bartay farshaxanka iyo xirfadaha qorista blog-ka. Koorsooyinka iyo tilmaamaha ay bixiyeen ayaa ii suurtageliyay inaan horumariyo awooddayda qoraal iyo inaan fahmo sida loo abuuro waxyaabo xiiso leh oo soo jiidasho leh oo loogu talagalay akhristayaal kala duwan.

Waxaan gaar ahaan u mahadcelinayaa macallimiinta iyo qorayaasha khibrada leh ee wakhtigooda iyo aqoontooda igula wadaagay, iyagoo bixiyay hagitaan qiimo leh iyo jawaabo faahfaahsan su'aalahayga. Sidoo kale, howl-wadeenada ka tirsan SPA ayaa muhiim u ahayd safarkayga qoraalka, iyagoo bixiyay taageero, dhiirigelinta, iyo fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan sida loo hagaajiyo qoraalkayga.

Khibradaan waxay ii ahayd mid aad u qiimo badan, waxayna igu dhiirigelisay inaan sii wado horumarinta xirfadayda qorista, anigoo rajeynaya inaan gaaro akhristayaal ballaaran oo aan saameyn ku yeesho.

Waxaan si weyn ugula talinayaa qof kasta oo doonaya inuu barto ama hagaajiyo xirfadaha qorista blog-ka, ha ahaato qoraa bilow ah ama mid khibrad leh inuu Iska diwaan galiyo SPA.

Waxa rajeynayaa inaan casharadii aan bartay u adeegsado qoridda maqaalo xiiso badan, lana wadaago aragtiyadayda iyo khibradahayga dunida inteeda kale. Aniga oo sii wadi doona barashada iyo koritaanka qoraalka, Mar walbana xasuusnaan doona casharradii qiimaha badnaa ee aan bartay.

Mahadsanidiin dhammaantiin markale taageerada aan la koobi karayn ee aad i siiseen intii aan ku jiray koorsadan.Anigoo  safarkayga qorista blog-ka sii wadi doona.


Abdiaziz Maygaag