
Roobka, oo ah hadyad dabiici ah, qurux iyo naxariista Ilaahay, wuxuu leeyahay saameyn aan la inkiri karin oo ku saabsan sida aan u seexanno. Dad badan ayaa dareema inay si aad ah ugu raaxaystaan hurdada inta lagu jiro maalmaha roobka. Laakiin maxay tahay sababta uu roobku u noqon karo sida qarsoon ee na caawisa ina si dhaqso ah u gama'no?
1.Saameynta Dhawaaqa Roobka:
Dhawaaqa roobka, sida guuxa biyaha ee saqafka iyo dhibcaha daaqadaha ku soo dhacaya ee joogtada ah waxay abuuraan jawi deggan oo maskaxda ka caawiya inay nasato sido kalena sahlaysa inaad seexato.
2.Isbedelka Jawiga iyo Hawada:
Roobku wuxuu inta badan keena isbeddelo ku yimaada cadaadiska hawada iyo horumarka oksijen, taasoo saamayn karta sida uu jirkeennu u shaqeeyo. Tusaale ahaan, cadaadiska hawo ee hooseeya iyo heerkulka qabow inta lagu jiro roobka ayaa laga yaabaa inay keenaan dareenka daalka ama nasashada, dhiirigelisa hurdo.
3.Xaaladaha Nafsiga ah ee Roobka:
Mugdiga iyo qabowga roobku wuxuu sidoo kale abuuraa xaalad ku habboon hurdada. Iftiinka yar iyo jawiga deggan ayaa ka caawiya dadka inay si dhaqs ah u gam'aan, iyadoo la dhimayo firfircoonida jirka.
Inkasta oo aan cilmi-baaris qoto dheer oo toos ah lagu sameynin arrintan, haddana waxaa jira caddaymo badan oo sheegaya in dadku ay dareemaan nasasho dheeraad ah oo ay si fiican u gam'aan inta lagu jiro maalmaha roobka. Tani waxay noqon kartaa tilmaan muhiim ah oo ku saabsan sida xaaladaha dabiiciga ah ee jawiga ay u saameyn karaan caafimaadka maskaxda iyo jidhka.
Sidaas darteed, roobka uma aha oo kaliya muhiim beeraha, balse sidoo kale wuxuu qayb ka yahay hagaajinta tayada hurdadeenna. Marka xiga oo aad maqasho dhawaqa roobka oo da'aya, isku day inaad dareento sida uu u dejinayo maskaxdaada si aad u hesho hurdo wanaagsan.
Xilliga aan ugu jeclahay inaan joogo guriga waa xilliga roobka da'ayo sababtoo ah hurdada ayaa ah mid aad igu macaan. Inkastoo la sheego in uu iskaabulada u daran yahay, haddana anigu aad ayaan u hurdaa.
W/Abdiaziz Maygaag
0 Comments