
Rageh Omaar, oo ah tifaftiraha ka tirsan ITV kana soo shaqeeyay warbaahinta sida BBC iyo al jaziira ayaa xanuunsaday intii uu socday baahinta tooska ah ee Wararka ITV oo uu isagu akhrinayay habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay.Halkaas ku joogsamay warkii habeenkaas, waxaana ITV uu baahiyay fariin ah: "Waan soo noqon doonnaa dhawaan. Waxaan si ku-meel-gaar ah u awoodi weynay inaan idin soo gudbino adeegayaga. Waxaan dib u bilaabi doonnaa goor dhow."
Muuqaalka dhacdada ee Raage Omaar markii ka baxayay warka ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada, iyadoo dad badani muujiyeen walaaca ay ka qabaan caafimaadka.
ITV ayaa saaka soo saartay bayaan waxayna xaqiijinayaan in hadda Raage Omaar uu helay daryeel caafimaad. Afhayeenka ITV u hadlay ayaa sheegay." in ay ogyihiin in daawadayaashu ay ka walaacsan yihiin caafimaadka Rageh Omaar,"
"Rageh wuu xanuunsaday isagoo soo bandhigaya Wararka saacada 10-aad habeenkii Jimcaha 17.04.2024 hadase waxa uu helay daryeel caafimaad."
Bayaanka ayaa lagu sheegay Raage Omaar qudhiisu wuxuu u mahadceliyay qof walba oo u rajeeyay caafimaad wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahin dheeri ah lagama bixin xaaladdiisa ama waxa ku dhacay intii lagu guda jiray baahinta.
Rageh Omaar, Waxa aniga igu horeysay inaan si toosa isku maqalno 13.05.2020 mar aan dhiganayay Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu nooga ka warramay sida uu saxaafadda ku soo billaabay, iyo khibradda uu ka helay kaalintiisa wararka caalamiga ah iyo safarrada qaar ka mid ah uu marar badan kaga soo warramay goobaha dunida ugu khatarta badan qaaradaha dunida.

Rageh oo hadda ah Tifatiraha wararka caalamka ee ITV, waxaa uu hore uga soo shaqeeyay, Al Jazeera, BBC TV iyo BBC World Service oo horraantii sagaashameeyadii .
Isbarbardhig saxaafadda Galbeedka, middda Afrika iyo tan dalalka Kahliijka ayaa ka mid ahaa qodobbada uu soo qaaday intii uu nagula joogay fogaan araga ( Zoom).

Talada aan sii xoojinayo ee uu nala wadaagay ka arday ahaan waxaa ka mid ah kalsoonida warka weriyaha lagu qabo in ay ku xiran tahay in lagu barto in mar kasta uu xaqiiqada uun tebiyo iyo in aanuu warka ku dhex darin dareenkiisa ama fikirkiisa shakhsiga ah.
Waa qodob khuseeya suxufi kasta oo wax isku falaya, haddii uu ka dhega adeygana uu ku fashilmi doono Saxaafadda.
Waxaana iskaaya baray anaga oo arday ah iyo Wariye Raage Wasiirkii hore arrimha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo marka ahaa macalinkayga, waliba kuwa aadka aan u xiiseeyo maadooyinkiisa, Ugana mahadcelinayaa halkaan sido kale waxaan u mahadcelinayaa Raage Omaar sida niyad furnaanta ah ee uu afkeena Soomaaliga ah nagula wadaagay aqoonta iyo khibradda heerka caalami ah.
Abdiaziz Maygaag
0 Comments